XAFLADDA XIL-LA WAREEGIDA GUDOONKA CUSUB EE JAAMACADDA BARIGA AFRIKA.

Xaflad ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha sare , Maamulka iyo hawlwadeenada Jaamacadda Bariga Afrika ayaa ka qabsoonta hoolka Jaamacadda Bariga Afrika.
Munaasabadda ayaa waxaa xilka kula kala wareegayey gudoomiyaha cusub ee Jaamacadda Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar iyo sii hayihii xilka guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe.
Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay Guddomiyaha Asaasayaasha Jaamacadda Sheikh Yusuf Cabdicasiis, guddoomiyaha Guddiga golaha sare Dr. Cabdiwaaxid Xaashi, Guddoomiyasha Faracyada Jaamacadda, guddoomiyayaashii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika Prof. Adam shiikhdoon iyo kuxigeenkiisi Mohamed Mohamoud Awoowe,
Sidoo kale waxaa Xafladda kasoo qeyb galay guddoomiye ku xigeenka Gobalka Bari Axmed Cabdulaahi Cirro, Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam iyo Taliyaha Booliska Gobalka Bari gaashaanle sare xuseen Cali Maxamuud.
Waxaa kaloo kasoo qayb galay Jamacadda Boosaaso, Jaamacadda Ummadda, Jaamacadda Badda Cas, Jaamacadda Culuumta Caafimaadka iyo Marti Sharaf iyo Masuulyiin Kale.
Waxayna dhammaantood Soo dhaweeyey Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika ay yeelanayso Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Cusub Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa Horumarineed ee Jaamacadda Qaybaheeda kala duwan uu kusoo Kordhin doono, sidoo kalena la wareegay xilka guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika.

Leave a Reply